Shir ka furmaya Baydhaba kadib fashilka shirkii uu iclaamiyey Farmaajo

16

Maalinta Talaadada ah ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu ka furmo shir ay yeelanayaan Guddi farsamo oo uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Guddiga oo ka kala socda maamul goboleedyada ayaa ka arrinsan doona sababihii uu u fashilmay shirkii khilaafka doorashada ee dhawaan ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta ee Koonfur Galbeed, Ilyaas Siciid Cali, ayaa BBC u sheegay “in 14-ka xubnood ee guddiga ay Bandhabo uga shiri doonaan arrimo farsamo, iyagoo turxaan bixin doona arrimhii looga wada hadlay shirkii Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay in guddigan ay u gogol xaari doonaan kulanka xiga ee ay madaxda federaalka iyo maamullada isugu imaan doonaan.

“Shirka guddigan wuxuu daba socdaa kulankii magaalada Samareeb ka dhacay 3-dii February, waxaa kale oo uu gogol xaar u yahay shirka ay isugu imaan doonaan madaxda dalka.”

Maanta waxaa baaqday shirkii loo ballansanaa in uu ka furmo magaalada Garoowe, kaas oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo.

Kulankaas ayaa qabsoomi waayay kaddib markii Puntland iyo Jubaland ay dalbadeen in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.