Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo is casilay

2

Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa waxaa la sheegay in uu xilkii iska casilay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in shalay uu warqadda is casilaada uu gudbiyay, isla markaana lag aqbalay, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaaan sababta keentay is casilada.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu isku casilay ay keentay wadashaqeyn xumo soo kala dhexgashay isaga iyo madaxda kale ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee is casilay Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa xilka Agaasimaha waxaa loo Magacaabay magacaabay bishii July ee sanadkii 2019.

Horay ayaa Xukuumadda Puntlnad ee uu hoggamiyo Saciid Cabdullaahi Deni waxaa isaga casilay mas’uuliyin isugu jira, wasiiro, agaasimeyaal iyo taliyeyaal Ciidan