Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Buulo-Burde u tegay xalinta khilaaf

23

Wafdi u Hoggaaminayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa  Maanta gaaray degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiye kuxigeenka Maaliyada Iyo Siyaasada Gobolka  Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadey & Saraakiil Ciidan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo dhaweeyay Mamaulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

ujeedka mas’uuliyoomtan ay halkaasi u tageen ayaa waxaa lagu sheegay xalinta khilaf xoogan oo u dhaxeeya Guddoomiyaha degmada buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo Taliska Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMIOSM.

Shalay waxaa degmada Buulo-Burde garay Wafdi u hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyaha degmada buulo-Burde Feysal Haajir Aadan oo dhawaan warbaahinta kula hadlay Gudaha degmada ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada AMIOSM ay maamulka ku hayaan faragelin dhinaca Maaliyadda ah, taas oo xoojisay khilaafka u dhaxeeya labada Maamul.

Mas’uuliyiinta uu horkacayo guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan mas’uuliyiinta Maamulka degmada Buulo-Burde iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti si khilafka loo xaliyo.