Wafdi Gaaray Degmo Ka Tirsan Gobolka Gedo Iyo Ujeedka Safarkooda

28

Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xasan ee taagersan dowladda Federaalka.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dooladda Federaalka, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Garbahaarey kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaas iyo dad shacab ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan Mas’uuliyiinta tegay Garbahaarey iyo Odayaasha dhaqanka degmadaas ay ka wada hadli doonaa xaaladda Gobolka Gedo oo ku murasan yihiin dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Sidoon kale Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka  Axmed Buule Maxamed (Canjeex)  ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Maamulka Garbahaarey, iyagoo kala hadli doona xaaladda degmada iyo Arrimo kale.

Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku haaya Gobolka Gedo, waxaana khilaafka ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa qeyb ka ah arrinta Gobolkaas, iyadoona Jubbaland sheegtay in hadii Gobolka maamulkiisa lagu soo wareejin waayo aysan wax doorasho ah ka dhici doonin Gobolkaas.