RW Rooble oo Hay’addaha amniga faray in la furo wadada Dabka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laamaha amniga ku amray in ay furaan wadada Dabka  ee magaalada Muqdisho, taasi oo habeenkii xalay dhagxaan lagu jaray.

Qoraal kooban oo uu Ra’iisul wasaare Rooble ku daabacay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku yiri.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada”.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay culeys dhanka isku socodka ah,taasi oo uu sababay xirnaashiyashiyaha wadadan muhiimka ah.

Gaadiidka isticmaalaya wadada Maka Al-mukarrama ayaa toos uga gudbi kara isgoyska dabka, isagoo aan u leexan karin dhanka isgoyska Bakaaraha ama dhanka kale ee xarunta degmada Waaberi, hadii uusan ku socon seedka xiga.

Tallaabadan lagu kala xiray wadadaan muhiimka ah ayaa imaaneysa iyadoo shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay bar control oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska dabka, kaas oo qarxay inta uusan gaarin barta control ee taallada Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.