Kulanka faafinta siyaasada waxbarashada dugsiyada gaarka ah oo Jowhar ka furmay

0

Kulankaan ayaa waxaa u jeedkiisa uu ahaa in lagu faafinayo siyaasada waxbarashada dugsiyada gaarka ah ayaa manta ka dhacay caasimada Hirshabelle ee magaalada Jowhar ayaa waxaa si wada jira u soo agaasimay wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare ee heer Federaal iyo heer maamul gobaleed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada Hirshabelle,waxeeyna si weyn uga hadleeyn muhiimada ay leeday in la mideeyo waxbarashada waxeeyna ku amaaneeyn Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, dadaalka ay ugu jirto hormarinta waxbarashadda.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Shabeelaha dhexe, Madiino Caddow Colow ayaa soo dhoweeysay in la mideeyo waxbarashada gaarka iyo tan dowliga ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashda Hirshabelle Aamiin Mukhtaar Axmed  ayaa sheegay in mar xalado  ka la duwan ay soo martay siyaasada waxbarashada lagu mideenayo.

Waxaa sidoo kale goobta hadal ka jeediyay Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada dowlad gobaleedka Hirshabelle Abuukar Xasan Abuukar isagoo umahadceliyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaalka muuqda oo ay ugu jirto hormarinta waxabarashada dalka.