Guddoomiye Cusub oo loo magacaabay degmada Hodan

13

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa waxaa Cabdifitaax Ciise loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Cabdifitaax ayaa badelaya walaalkiis oo aha guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun oo la dilay 21 January ee 2021, taasi oo aan weli la shaacin natiijada baaritaanka dilkiisa.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Dhagajuun ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay waxaa ku dileen wadada loo yaqaan Jid mareexaan, kadib markii gaarigii uu saarnaa ay rasaaseeyeen.