Rooble Oo Raalli-Gelin Ugu Tegay Imaamka Muddulood Maxamed Yuusuf

15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Goordhow hoygiisa ku booqday Imaamka Beesha Muddulood Imaam Maxamed Yuusuf.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Imaam Maxamed Yuusuf ugu tegay raalli-gelinta rasaastii shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Astuubta Soomaaliya ay ku fureen gaari uu la socday, xili uu marayay agagaarka Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Imaamka Beesha Mudullood uu aqbalay raali-gelinta Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya, waxaana booqashadiisa ku wehlinayay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda.

Xalay aheyd markii Wasiirka Amniga iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Fedetaalka ay ugu tageen Imaamka xallin, iyagoo doonaya inay u dhaqaan arrintaaas si hoose, balse lagu celiyay, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Khasaaro dhaawacyo ayaa shalay soo gaaray qaar kamid ah Ciidanka Ilaalada ee la socday Imaamka Beesha Mudullood ee Maxamed Yuusuf, kadib markii rasaas lagu lagu furay gaariga ay saarnaayeen.

Imaamka iyo xubno kale oo ka tirsan Dhaqanka Mudullood ayaa ka yimid gogosha Tacsida Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Nuurl Galaal, waxaana la tilmaamay in labada kamid ah xubnaha la socday Imaamka oo gaariga saarnaa ay dhaawacmeen.