Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Farriin U Diray Beesha Caalamka

6

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay qeyb noqdaan xalinta muranka iyo iska marin waaga ka taagan qabsmooda doorashada dalka ka dhaceysa.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalmaka looga baahan inay ka qeyb qaatan xalinta khilaafka taagan, isla markaan qabtaan qofkii aan xalka diyaar u aheyn.

Musharax Xasan ayaa Saaxiibada taageera Soomaaliya ka dalbaday in aysan qeyb ka noqon Mushkilada ka taagan doorashada lagu heshiin la’yahay, wuxuuna u caddeeyay in Musharaxiinta aysan marnaba Eedeyn u jeedineyn Beesha Caalamka.

Sidoo kale nasiib darro ayuu ku tilmaamay in dhagxaan xiligaan Isgoyska Dabka lagu xiro, hayeeshee Maanta lagu qaaday Amar kasoo baxay Dowladda, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay arrintaas, sidoo kalena ay ka xun yihiin Ciidamo lagu daabulayo Gobolka Gedo.

Hadalkaa Xasan Sheekh ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo shalay Beesha Caalamka ka digtay inuu dib u dhac ku yimaado Shirkii uu ku baaqay Farmaajo, iyadoo cudur-daar noqon doonin halka lagu qabanayo, xili Musharaxiinta ay dalbadeen Shirkaas lagu qabto Muqdisho, sidoo kalena taladaas ay soo diyeen Puntland iyo Jubbaland.