Musharixiinta Mucaaradka oo ku dhowaaqay banaanbax ka dhan ah MW Farmaajo

1

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in Jimcaha nagu soo aadan ay Muqdisho ku qaban doonaan isu soo baxyo ka dhan ah dowladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jara’id ka hadlay ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

“Musharraxiinta dood dheer iyo falaanqeyn kaddib waxay go’aansadeen isu soo bax lagu diidan yahay arrimaha aan soo sheegnay in magaalada Muqdisho laga sameeyo maalinta Jimcaha ah.. isu soo baxo waa xuquuq ay dadku leeyihiin dadku ay ku cabiraan dareenkooda”

“Doorashadii aan xal loo heynin, sidaas darteed dadku inay isugu soo baxaan banaanbax lagu diidan yahay arrintaas lagu dalbanayo dalkan in dariiqi saxda ahaa ee sharciga aheyd in uu aado ayaan ugu yeereynaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho.

Dhowaan ayay aheyd markii mucaaradka ay sheegeen inaysan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.