Taliska booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxii ka dhacay Muqdisho

12

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow barta control ee ciidamada ammaanku ay ku leeyihiin taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

“Abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo qoraalkan soo saaray.

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.”

Ugu dambeyntii afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.”