Mareykanka oo fariin la xariirta shirka 15-ka bishan u diray madaxda Soomaalida

3

Dowladda Mareykanka ayaa fariin toos ah la wadaagtay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, iyadoo ku boorisay inay deg deg xal uga gaaraan arrimaha ku hor gudban heshiiskii doorashada ee 17-kii September.

“Waxaan ku boorineynaa hogaamiyayaasha inay xaliyaan arrimaha looga dooday shirkii ka dhacay Dhuusamareeb, ayna wakhti kooban ku qabtaan doorashada, iyadoo aan la dhinac mareynin heshiiskii doorashada ee 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka safaaradda ayaa intaas ku daray, “Waxaa la joogaa wakhtigii la muujin lahaa hogaan bisil oo jihadiisa cadahay, iyo in midnimo lagu wajaho wax walba, si loogu dhaqaaqo waddo u wanaagsan Soomaaliya, isla markaana tusaale u noqota mustaqbalka qaaradda Afrika.”

Farmaajo iyo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaan wali ku heshiinin arrimaha doorashada, waxaana wali la sugayaa in la isi soo horfariisto isla markaana la dhameeyo wax walba oo ku hor gudban doorashada.

Dhanka kale war-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhoweeyey ku dhawaaqidda in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay kulmi doonaan 15-ka bishan Febraayo, si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii bishii Sebtembar lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho.

“Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb, isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban, kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17-kii Sebtembar” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goor dhow kasoo baxay besha caalamka.