Maxkamadda ICJ Oo Diiday Codsigii Kenya Iyo Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay

1

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay go’aan Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ka gaartay Dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mahdi Guuleed oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda ICJ shalay go’aan kama dambeys ah ku gaartay in waqtigii horey u balamisay in la dhageysto kiiska badda la dhageysan doono, isla markaana aanu jirin doonin dib u dhigis kale.

Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in Maxkamadda diiday Codsigii Kenya u gudbisay ee ahaa in markii afaarad dib loo dhigo dhageysiga Dacwada badda, hayeeshee Maxkamadda ay sheegtay in aan la aqbali doonin Codsiga Kenya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa Carabka ku dhuftay in Maxkamadda ay Somalia iyo Kenya ku wargelisay in dacwadda la dhageysan doono 15 ilaa iyo 19-ka bisha soo socda ee March, una u soo diyaar garoobaan.

“Maxkamadda waxa ay go’aan shalay ku gaadhay in dhageysiga dacwadda oo horayna ay u muddeysay haseyeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in dib loo dhigo mar dambe. Sidaa daraaddeed dhinacyadu ay u soo diyaargaroobaan 15-19 bisha March ee inagu soo aaddan Insha alla” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dowladda Kenya ayaa horey 3 jeer Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ka Codsatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska Dacwadda badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya, waxaana markii afaraad ay dalbatay in dib loo dhigo dacwada, hayeeshee Maxkamadda ICJ ayaa la tilmaamay inay diiday codsigaas.