Rooble oo dalab la xariira shirka 15-ka bishan u diray madaxda D/Goboleedyada

30

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu warqad u diray dhamaan madaxda maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir.

Warqada uu diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamullada loogu sheegay in ugu dambeyn 13-ka bishaan ay soo dirsadaan min 2-qof oo ah guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada dooda ka taagan tahay ee doorashada Soomaaliya.

Shaqada guddigaan ayaa ah in ay soo diyaariyaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya, waxayna 14-ka bishaan ku kulmi doonaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Dowladda federaalka waxaa guddigaas ku metelaya wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo Amb. Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Waxyaabaha kale ee howsha guddigaan qeybta ka ah waxaa kamid ah in ay ka soo tala bixiyaan halka uu ka dhacayo shirka ay isugu imaanayaan madaxda dowladda, kuwa maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir 15-ka bishaan.