Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

17

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxa caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Afhayernka in ciidanka booliska Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxa miino oo Al-shabaab ay ku tuureen waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wax khasaaro uusan ka dhalan qaraxa, isagoona in ciidamada booliska Soomaaliya ay caawa baaritaano ka wadaan halka uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen Degmada Hodon, gaar ahaan Waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaakka ee HAAS, wax qasaaraha oo naf iyo maalba leh ma geysan. Ciidanka Boliiska ayaa goobta xiray. “