Dood ka dhalatay warqad uu saxiixay madaxweyne Farmaajo

3

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saxiixay todoba qof oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka, kuwaas oo kol hore ay soo ansixiyeen golihii wasiirrada kalsoonida laga noqday ee uu hoggaaminayey Mahdi Maxamed Guuleed.

Todobada xubnood ayaa kala ah:

1- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed

2- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud,

3-Sheekh Cali Maxamuud Xasan

4-Cabdiraxmaan Axmed Maxamed

5- Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-Xaashi

6-Ifraax Maxamuud Cumar

7-Prof. Cabdullaahi Cali Cismaan

Warqadda uu xubnahaan ku saxiixay madaxweyne Farmaajo ayaa ku taariikheysan 30-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore 2020-ka, balse warqadan oo saacadihii lasoo dhaafay loo dusiyey warbaahinta ayaa abuurtay shaki badan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah dadka ka falceliyey warqadan ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu xalay saxiixay, taasna uusan laheyn awoodeeda, maadaama uu waqtigu ka dhamaaday