QM oo ka dayrinaysa macaluul soo food saartay caruurta Yemen

8

Wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa saaka boggagooga hore ku daabaca warar tibaaxaya in kumanaan caruura oo Yemeniyiin ah ay soo food saartay macaluul ba’ani.

Wargayska The Independent ayaa warbixin uu weriyahooda Bariga Dhexe uga soo waramaa soo diray ciwaan uga dhigay “Afar boqol oo kun oo caruur ah ayaa Yemen macaluul darteed geeri qarka u saaran”.

Warbixintu waxay tibaaxaysaa in Qaramada Midoobay sheegtay in ku dhawaad nus malyuun caruur ah oo shan jir ka yari ay gaajo ugu dhiman doonaan Yemen hadii aan gargaar deg deg ah la helin. Waxaanay intaa ku dartay in boqolkiiba konton caruurta shan jirka ka yar ee dalkaas oo dhan ay sidoo kale haysato nafaqo darro ba’ani.

Warbixintu waxa kale oo ay farta ku fiiqday in ay suurto gal tahay in afar boqol oo kun oo caruur ahi ay haysato nafaqo darro ba’ani, taas oo macnaheedu yahay in ay geeri qarka u saaran yihiin hadii aan si deg deg ah loo daweyn, tiradaas oo 22% ka badan haatan intii ay ahayd sannadkii 2020.

Wageysku waxa kale oo uu sheegay in colaadda taagan, safmarka korona iyo is beedelka cimiladu ay keeneen in Yemen sii baa’ado. Waxaana haatan dadka ku nool dalkaas oo tiradoodu ku dhawdahay 30 milyan oo qof 80% ka mid ah noloshoodu haatan toos ugu xidhan tahay gargaarka aadamenimo.

Waxaanu intaa ku daray in wadahadallada nabadda ee u dhexeeya xukuumadda Sucuudigu taageero iyo falaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageertaa hakadeen, iyada oo sannadkii todobaad haatan ay gashay colaadda Yemen.