Madaxweyne Guudlaawe oo shir la qaatay golaha wasiirada Hirshabelle

15

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhageystay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka Warfaafinta, iyo Madaxtooyada

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa golaha la wadaagay in Dowladda Hirshabeelle ay soo gaareen 10 gaadiid oo qeyb ka noqonaya dib u dhiska balaaran ee ku socda ciidanka booliska Hirshabeelle sidoo kale Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyay howlgalo qorsheysan oo kooxda Alshabab looga saaray deegano badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa Madaxweynaha iyo golaha la wadaagay inuu soo labakacleeyay Xanuunka Covid19 Wasaarad ahaana ay u diyaar garoobayeen,

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha waxa uuna kula balamay inay sii dardar galiyaan howlaha shaqo ee ay umadda iyo Dowladda u hayaan.