Beesha Caalamka oo war ka soo saartay shirka u qabsoomaya madaxda DF iyo DG

16

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhoweeyey ku dhawaaqidda in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay kulmi doonaan 15-ka bishan Febraayo, si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii bishii Sebtembar lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qabsoomidda shir kale waxay beesha caalamku sheegtay inay tahay fursad lagu sii amba-qaadi karo horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Dhusamareeb ee maalmo ka hor lagu soo kala tegay, iyadoo aan lagu gaarin wax heshiis ah.

“Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb, isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban, kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17-kii Sebtembar” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goor dhow kasoo baxay besha caalamka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo, marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybg elaya shir-madaxeedka, inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed, si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.”

Ugu dambeyntii qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yirr, “Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee heshiiskii 17-kii Sebtember, si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.”