Qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

16

Qarax miino ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir, gaar ahaan waaxda Kacaan

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa la dhgay maqaayad lagu magacaabo SAARA oo ku taala agagaarka suuqa Bakaaraha, gaar ahaan dhanka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa MARKABLEY  u sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka wadaan.