Kulan looga hadlayey amniga oo ka dhacay degmada Awdheegle ee G/Sh/hoose Ibraahin maxamed ,ayow

7

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho ka daahfurtay diiwaan-gelinta diyaaradaha iyo ruqsadsiinta xirfadlayaasha.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad  oo daah-furay ayaa sheegay in dowladdu ay dedaalo ku bixisay sidii loo soo celin lahaa Summada lagu dhigayo diyaadaha .

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada ee ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

Summadeynta diyaaradaha ayaan Soomaaliya ka jirin wixii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaana ay lamid tahay Taarikada gaariga lagu xiro, taasi oo caddeysa ruux iyo meesha laga leeyahay gaadiidka.