Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

6

Shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoominayay, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed, ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka.

Wasiirada ayaa lagula dardaarmay in la dardargeliyo howlgallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ku u soo bandhigtay shirka, xaaladihii u danbeeyey ee xanuunka Coronavirus iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.