Maxkamad ku taala Hiiraan oo sii daysay dad ku xirnaa Beledweyne

7

Maxkamad ku taalla  Gobalka Hiiraan ayaa maanta siideysay 7 qof  oo horay ciidamada Ammanka ku xireen  magaalada Beledweyne, kuwaas oo la sheegay in dambi lagu waayay.

Dadka la sii daayay ayaa isugu jira 4  Rag ah iyo Saddex Haween ah, waxaana muddo todobaadyo ah ay ku xirnaayeen saldhigyada ku yaalla magaalada Beledweyne.

Maanta ayaa la horkeenay Maxkamada Rayidka Gobolka Hiiraan dhalinyarada kuwas oo lagu waayey wax danbi ah kadib ayey maxkamada Rayidka amartay in si deg deg ah Xabsiga looga sii daayo dhalinyaradan.

Dhalinyarada Xabsiga manta Laga sii daayey ayaa lagu haaystay ka qeybgalka shir dhalinyarada G.hiiraan kaasi oo looga hadlay dhibaatoyinka ka jiro Magaalada Baladweyne hanaankii loo maray dhismahii Maamulka Hirshabeelle kuwaas oo ugu danbeeyn soo saaray warmutiyeed looga soo horjeedo Maamulka Hishabeelle.