Wasiir Dubbe” Ma aqbalayno in markale dib loo dhigo dacwada badda”

17

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya  Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay saaka warqad u qortay Maxkamadda ICJ, islamarkaana ay u caddaysay in aysan aqbali doonin dib u dhigidda Kiiska badda labada dhinac, kadib markii Kenya ay shalay sidaas dalbatay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba yeeli doonin dib u dhigid dambe in lagu sameeyo kiiska dacwadda badda oo sida muddaysan la dhegaysan doono 15-ka Maarso 2021, maadaama dhawr jeer la aqbalay codsiga kenya oo ku saabsanaa in kiiska dib loo dhigo.

Sidoo kale, wuxu sheegay in kenya ay duullaan ku tahay guud ahaan dalka Soomaaliya, balse dowladdu ay diyaar u tahay in ay dalka difaacdo sida uu hadalka u dhigay.