Kenya oo codsatay in dib loo dhigo kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya

0

Sida uu daabacay wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, dowladda Kenya ayaa maxkamadda caalamiga ah ICJ in ay ka codsatay in dib loogu dhigo keyska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sidoo kale daabacay in ay Kenya marka hore damacsan tahay inay u doodo dhul dhinaca bariga ah oo ay sheegeneyso  inuu ka maqanyahay, si loo xalliyo.

Kenya ayaa soo bandhigtay khariirad ay ku sheegtay in dhinaca bariga uu dhul kaga maqanyahay gudaha Soomaaliya,iyadoo qorshaheedu yahay in marka hore arrintaas ay xalliyaan labada dowladood, kadibna la guda galo kiiska Badda ee ICJ.

Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa loo ballansanyahay in maxkamadda dhageysato 15-March ee sannadkan, waxaana jira maalmo ka hor xilka laga qaaday hoggamiyihii maxkamadaasi Cabdiqawi oo ahaa nin Soomaali ah.