Hindiya iyo Shiinaha oo xal ka gaaray muran ku saabsanaa xadka labada dal.

13

Wadamada Hindiya iyo Shiinaha ayaa isku afgartay in lakala qaado ciidamada labada dal ee isku hor fadhiyo xadka kala qaybiyo. Wasiirka gaashaandhiga Hindiya ayaa arintaasi sheegay kadib mudo bilooyin ah oo labada dhinac ay is hor fadhiyeen.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa Baarlamaanka dalkaasi u sheegay in heshiiskan uu yimid kadib markii uu qaatay dhawr wareeg iyadoona heshiiska uu u dhaxeeyay taliyaasha milatariga iyo diblomaasiyiin.

Dhanka kale wasiirka difaaca ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in ciidamadii labada dal ee xadka isku hor fadhiyay lakala caaday.

Bishii June ee sanadkii hore ayay ahayd markii 20 askari oo Hindiyaan ah ay ku dhinteen rabshado ka dhacay xadka kala qaybiyo labada dal.