Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka hor jeediyay Golaha Shacabka

18

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta Golaha Shacabka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa ee 100-kii maalmood ee ugu horreeyay.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa horay loogu qeybiyay warqado uu ku qoran yahay wax qabadka dowladda iyo mowduucyada uu ka hadlayay Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursan Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha inta uusan hadalkiisa billaabin ka dalbaday in uusan sheegin wax aan ku qorneyn warqadaha loo qeybiyay mudaneyaasha.

Rooble ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ee uu soo magacaabay iyo isaga qorsheysteen howlo ay damacsanaayeen in ay ku qabtaan 100-ka maalmood ee ugu horreeya., waxaan

“Si aan u xoojinno isla xisaabtanka, daah furnaanta iyo maamul wanaagga, waxaan wasiir kasta la galay oo la saxiixday axdi ay ku jiraan dhammaan howlaha ay wasaaradahoodu ballan qaadeen in ay ku hir galiyaan boqolka maalmood gudahooda,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaas ku daray in buugga yare e loo qeybiyay xildhibaannada ay ku jirto faahfaahinta la xiriirta waxa u qabsoomay wasiir kasta.

Hase yeeshee isagoo soo koobaya wax qabadka 100-kii maalmood ee ugu horreeyay xukuumaddiisa ayuu sheegay in ay ku guuleysteen arrimo ay ka mid yihiin:

  • Wax qabadka amniga
  • Diyaarinta qorshaha doorashada 2021-ka
  • Xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda
  • Horumarinta dhaqaalaha iyo soo xareynta dakhliga dowladda
  • Dardar galinta nidaamka deyn cafinta
  • Horumarinta ganacsiyada caalamiga ah
  • Xoojinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka
  • Bixinta adeegyada bulshada iyo ka hor tagga aafooyinkaiyo u diyaar garowga musiibooyinka
  • Xoojinta isdhex-galka bulshada iyo nabadeynta beelaha ay colaadda dhex taallay
  • Dhameytirka istiraatiijiyada qaran ee shaqo abuurka
  • Diyaarinta, qorshaha, ilaalinta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ay ku yeelan doonaan baarlamaanka 11-aad

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble khudbadda uga jeedinayay Baarlamaanka ayaa baaqday maalintii Isniinta kaddib markii xildhibaannadu ay sheegeen in aan waqti ku filan loo soo gudbinin warqadaha ajandaha khudbaddiisa.