Cabdi xaashi oo ka hadlay shirka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo

15

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15 February uu ka dhaco Muqdisho, ayna ka soo qeyb galaan saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka, goobjoogna ka noqdaan Beesha Caalamka.

Cabdi Xaashi aya sheegay inuu taageerayo go’aanka oo lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kale in ka wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka lagana fogaado wax walba oo qalalaaso ku keeni kara nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.