Mareykanka oo ku baaqay in deg deg loo qabto doorashada Soomaaliya

9

Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka hadashay is-mari ka taagan doorashada Soomaaliya, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu ka dhamaaday waqtigiisa xil heynta, sidoo kalena aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray doorashada dalka.

“Dowladda Mareykanka waxay doorashooyin deg deg loo qabto u aragtaa inay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya. Heshiis waa la gaari karaa. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wada-halladooda si heshiis looga gaaro doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka Waaxda Arriamah Dibedda Mareykanka Ned Price.

Waxuu intaas ku sii daray, “Dib u dhigista doorashada waxay waxyeeleeneysa dadaallada loogu jiro la-dagaalanka aragagixsada, waxeyna sare u qaadeysaa halista xasilooni-darrada Soomaaliya.”

Ugu dambeyntii Afhayeenka Waaxda Arriamah Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa yiri, “Doorashooyin dhinac, doorashooyin is-dhinac socda, hanaan doorasho oo aheyn midkii hore, oo ay ka mid tahay dhisidda gole ku-meel gaar ah, waxay sare u qaadi doonaan xasilooni darrada Soomaaliya.”