Jubbaland oo war ka soo saartay shirkii u ku baaqay MW Farmaajo

4

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland soo dhaweynayso talo soo jeedinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in 15 bishaan Febaraayo shir wadatashi ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya, Madaxwaynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Jubbaland ayaa ku talisay in shirkaan lagu qabto Magaalada Muqdishu isuguna yimadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo xubnaha wakiilada beesha Caalamka maaddaama Dowladda hadda jirta muddo xileedkeedii dhammaaday.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku baaqday in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay Isniinta soo socota isugu yimaadaan shir ay sheegtay inuu ka dhici doono magaalada Garowe.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Puntland uu soo jeediyaya taladan oo kale, iyagoo ku doodday in aan lagala tashan shirkaas, iyadoo ku baaqday inuu ka dhaco “Muqdisho, ayna qeyb ka noqdaan saamileyda siyaasadda.”

Shirkii u dambeeyay ee todobaadkii hore ay madaxda Soomaaliya ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin warka ka soo Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan halka uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo khilaafka hareeyay hannaanka doorashada.