Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Maanta Ku Dagaalamay Sh/Dhexe

3

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaano hoostega degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa bilowday, ka gadaal markii markii Ciidamo uu hoggaaminayay Korneel Masdile ay weerar ku qaadeen deegaan hoostega Raaga-ceelle oo dhawaan ay la wareegeen Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus.

Dad ku sugan Raaga-ceelle ayaa waxaa ay ku warrameen in saakay illaa barqadii Maanta ay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayay, isla markaana xaaladda deegaanada uu dagaalku ka dhacay ay tahay mid degan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, in kastoo aan la cadeyn inta uu la egyahay, wuxuuna ka dhacay dhul-deex ah.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii daraya in Al-shabaab lagala wareegay deegaano dhawaan qabsadeen oo hoostega degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda.

Al-shabaab ayaa dhawaan la wareegay gacanta ku heysta degmada Raaga-ceelle, balse ciidanka dowladda Federaalka ayaa markii dambe dib u qbasaday, waxaana xusid mudan in Shabaab ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay degaan halkaas ku dhow.