Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ansixiyay Guddiyo Cusub

11

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa kulanka 17-aad kal-fadhiga 1-aad ku yeeshay Magaalada Jowhar, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo ay wehlinayeen labadiisa ku-xigeen.

Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa ansixinta Guddiyada dastuurka iyo xeer hoosadka Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi Maanta uu Magacaabay Guddoomiyaha  Baarlamaanka, iyagoona iska dhex doortay Guddoonka Guddiga

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay Baarlamaanka muhiim ugu yihiin labadaan Guddi, sidoo kalena waxuu Guddoomiyaha xusay in Guddiyada kale ee Golahan uu gacanta ku haayo shaqadooda dhawaana la horkeeni Doono Baarlamanka si ay kalsoonida u siiyaan.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Guddiyada uu magacaabay Guddoomiye Luqmaan, waxaana ogolaatay 49 Xildhibaan, 5 waa ay diideen, halka 3 Xildhibaan kalena ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna sheegay in la ansixiyay Guddiyada, isla markaana faray inay gutaan shaqooyinka loo idmaday.