Turkiga oo muwaadiniintiisa ugu baaqay in ay ka fogaadaan banaanbaxyada ka socda Myanmar

4

Safaaradda dalka Turkiga ee Myanmar ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan taxaddar badan kana fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaanbaxyada ka dhacaya magaalooyinka kala duwan ee dalkaas

Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa looga sheegay muwaadiniinta Turkiga ah inay ku sugnaadaan guryahooda inta ay ka degeyso xaaladda dalka Myanmar.

Bayaanka ayaa sidoo kale ku war geliyay muwaadiniinta inay safaaradda laso xariiraan haddii ay dareemaan halis.

1-dii February, waxaa talada dalka Myanmar la wareegay ciidmada militeriga iyagoo xirxiray mas’uuliyiintii xisibigii xukumaayay dalka.

Mudaharaadyo looga soo hor jeedo afgenbigii ciidanka ayaa ka socda magaalooyinka kala duwan ee dalkaas