Xildhibaanada Mucaaradka oo Muqdisho shir uga socdo

17

Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa haatan ka socda kulan xasaasi ah, kaasi oo u dhexeeya Xildhibaannada mucaaradka ee ku jira Baarlamaanka labada Aqal.

Kulankaan ayaa waxa looga hadlayaa hadal uu beri ka jeedin doonin kulanka xildhibaanada golaha shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa berri hortagaya Baarlmaanka, isaga oo ka baaqday kulankii hore ugu balansanaa.

Ilo xog ogaal ah ayaa KNN u sheegay in R/wasaare Rooble uu wado qorshe uu ku codsanayo muddo kororsi, si loo qabto doorasho qof iyo cod ah, inkastoo weli aan laga helin warkan xafiiska R/wasaaraha.

Xildhibaannada labada aqal ee mucaaradka ayaa wada abaabul ka dhan ah qorshahaas la sheegayo in Ra’iisul Wasaaraha la hortagagayo Xildhibaanada Golaha Shacabka.