Wafdi Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Magaalada Jowhar

22

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday Taliska Ciidanka Kummaandooska ee DANAB ee xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 7-aad guutada 16-aad ee Ciidanka Kummaandooska ahna kusimaha Taliyaha guutada 16-aad Xasan Maxamed Cismaan oo ay wehlinayeen Saraakiil kale, waxaana Jowhar kusoo dhaweeyay Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Taliye Xasan Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil Ciidanka dowladda DANAB iyo kuwa Milateriga dowladda Federaalka, isagoo kala hadlay howlgalada kala duwan ee ka socda deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Taliyaha Ururka 7-aad guutada 16-aad ee Ciidanka Kummaandooska dalka ayaa Saraakiisha uu la kulmay faray inay sii wadaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa lagu xaqiijinayo amniga.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan sheegay inay bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, xili shabaab weeraro kala duwan oo khasaaro geysta ka fuliyaan deegaano ka tirsan Maamulkaas.