Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo laga beddelay hoggaanka maxkamadda ICJ

17
Presiding Judge Ronny Abraham of France, right, and Vice President Abdulqawi Ahmed Yusuf of Somalia, open the session of the World Court in The Hague, Netherlands, Tuesday, April 14, 2015, where Nicaragua and Costa Rica are trying to settle a double dispute over the San Juan River, which makes up the border between the two countries. (AP Photo/Peter Dejong)

Makamadda Caalamga ah ee Garsoorka ICJ ayaa dooratay madaxweyne cusub oo xilka hayn doona saddexda sano ee soo socota, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda.

Madaxweynaha cusub ayaa ah gabadha xaakimka ah ee u dhalatay dalkan Maraykanka ee lagu magacaabo Joan E. Donoghue.

Xaakim Joan Donoghue ayaa xilkan kala wareegaysa xaakimka Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo u dhashay Soomaaliya. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa Qaramada Midoobay iyadoo la aasaasay sannadkii 1945-tii.

Maxkamaddan ayaa bisha dambe dhagaysan doonta kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwdadan ayaa dhagaysigeedu soconayaa inta u daxaysa 15-19 bisha Maarso ee soo socota.

Garsoorayaasha dawcaddan dhagaysan doona ayaa tiradoodu dhan tahay 15, waxayna kala yihiin: Joan E. Donoghue (Maraykan) Kirill Gevorgian (Ruush) Peter Tomka (Slovakia) Ronny Abraham (Faransiis) Mohamed Bennouna (Morooko) Antônio Augusto Cançado Trindade (Barazil)Cabdulqawi Axmed Yuusuf (Soomaaliya) Xue Hanqin (Shiinaha) Julia Sebutinde (Uganda) Dalveer Bhandari (Hindiya) Patrick Lipton Robinson (Jamayka) James Richard Crawford (Australia) Nawaf Salam (Lubnaan) Iwasawa Yuji (Japan) Georg Nolte (Jarmalka).