Wasiirka Gaashaandhigga Oo Warbixin Ka Dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada

9

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka u dhexeeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa ayaa waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda ka wadaan Gobolada dalka, kuwaasi oo ka dhan ah Al-shabaab.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Wasiir Xasan Xuseen Xaaji Warbixin ka siiyay Howlgalada Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna Wasiirka Taliyeyaasha Ciidamada faray inay dardar-geliyaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka iyo Taliye Odawaa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin  iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Biixi iyo saraakiil kale.