Guddoomiyaha Deg. Baladweyne Oo Ka Horyimid Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

16

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Cismaan dhicisow Dhuubow ayaa Goordhow ka hadlay shaqo joojinta uu Maanta ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolkaas Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Cismaan dhicisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sharci darro ah ay tahay shaqo joojinta uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, uuna shaqada ka joojin karin, maadaama uu soo magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Cismaan ayaa sheegay in Guddoomiye Cali Jeyte uu marka horey ka dalbaday inuu ku wareejiyo Gargaarka Baladweyne ay geeyeen Hay’addaha, hayeeshee taas uu ka diiday, kadibna ay isku dhaceen, sidaasina shaqada looga joojiyay, balse uu ka horyimid.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cismaan dhicisow Dhuubow inuu dhowr mar cabasho ka dhan ah Cali Jeyte u gudbiyay Maamulka Hirshabeelle, wuxuuna ku eedeeyay Jeyte inuu musuq-maasuqay qalab loo keenay beeraleyda Baladweyne.

Gaba-gabadii waxaa uu sheegay in wax Isbaaro ah aysan u aalin ee lagu eedeeyay isaga, balse sheegay in Guddoomiyaha Gobolka ay u taallo isbaaro, waa sida uu yiri Guddoomiyaha  degmada Baladweyne.

Si kastaba Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiye dhicisow, waxaana lagu eedeeyay inuu dhigtay isbaaro lagu dhibaateyso gaadiidka.