Xildhibaanada Waqtigoodu Dhammaaday Oo Ansixiyay Sharci Muhiim Ah

19

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhinta 3-aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa ayaa shir guddoomiyay kulanka, waxaana goobjoog ah in ka badan 170 Xildhibaan oo halkaas xaadiray.

Xildhibaanada ayaa  cod gacan taag ah ku ansixiyay wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana ogolaatay 170 Xildhibaan, sida uu shaaciyay Guddoomiye Mursal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waday inuu Maanta hortego Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu ugu jeedo khudbad uu uga hadli doono waxqabadka 100 maalmood ee Xukuumadda, hayeeshee waxaa uu baaqday.