Waqtiga Uu Ra’iisul Wasaare Rooble Hortegayo Baarlamaanka Oo La Shaaciyay

6

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay waqtiga uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka ee waqtigoodu dhammaaday.

Guddoomiye Mursal oo ka hadlaayay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Xildhibaanada hortegayo 10-ka bishaan Febraayo oo ku beegan maalinta  Arbcada ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Xildhibaanada u jeedin khudbad uu uga hadlayo waxqabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana Maanta lagu waday inuu Golaha hortego, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta ansixiyay wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana ansixinta ogolaaday 170 Xildhibaan, sida uu shaaciyay Guddoomiye Maxamed Mursal.

Si kastaba kulankii Maanta ee Xildhibaanada ayaa kusoo aaday, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.