Muuse Biixi Oo Amar Kusoo Rogay Guddoomiyeyaasha Gobolada Somaliland

107

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan loogu diyaargaroobayo, laguna dardargelinayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee bartamaha sannadkan qorshaysan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay qayb ka ahaayeen madaxda Wasaaradda arrimaha guduhu, ayuu madaxweynuhu ku daah-furay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu ka diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, shuruucda doorashooyinka loo dhigayna cid kasta ilaaliso.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn shaaciyey in Somaliland galeyso doorasho uu dhaqaaleheeda iyo fikirkeedaba u madax-bannaan tahay, isla markaana baahi badan loo qabo in wada-jir looga wada hawlgalo abuurista jawi ku habboon in doorashooyin hufani dalka ka qabsoomaan.

“Waxa inagu waajib ah haddii aynnu dawladda dhexe nahay inaynu ka ilaalino qofka doorashada gelayaa wixii inuu u isticmaalo qof kale, markaa ninkii tartanka gelayaa ama maayar ha ahaado ama Baarlamaan ha ahaadee mar haddii uu doorasho gelayo wuxuu la sinmayaa walaalladiisaa uu doorashada la gelaayo, xagga awoodda hantida iyo awooddii uu lahaaba” ayuu yiri Muuse Biixi

Madaxweynuha ayaa waxa uu sheegay in xaaladda kala-guurka ah ee la gelayo xilligan doorashooyinku soo socdaan, wuxuuna Guddoomiyeyaasha gobolladu faray in masuul ka noqon doonaan ilaalinta shuruucda doorashooyinka iyo dhawrista xuquuqda Murrashixiinta.