Musharaxiinta “Farmaajo Wuxuu Maanta Madaxtooyada Ugu Jiro Waa Inqilaab”

10

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa ka hadlay muddo xileedka dhammaaday ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta ku eg 8-da  bishaan Febraayo.

C/raxmaan C/Shakuur oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, isla markaana heshiis la gaari waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, xili laga sugayay inuu heshiis Madaxda kala gaaro doorashada.

Waxaa uu ku eedeeyay Farmaajo inuu doonanyo muddo kororsi uu sameeyo, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa, hayeeshee taas marnaba aysan aqbali doonin Musharaxiinta, ayna qaadnayaan wax kasta oo tallaabadaas ka yimaada.

Isaga oo sii hadlaayay C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu tilmaamay in wixii Maanta kursiga Farmaajo ugu fadhiyo inuu yahay Inqilaab, wuxuuna Ciidanka dowladda Federaalka uga digay in loo adeegsado danno siyaasadeed.

Sidoo kale waxaa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan waqti kale ku lumin Madaxweynihii waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, isla markaana aysan xiligaan aqbaleynin in kursiga lagu sii haayo Madaxweyne fashilmay, waa sida uu yiri.

Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay shaaciyay in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, isla markaana uu dhammaaday muddo xileedkiisa dastuuriga aheyd ee afarta sanno