Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo maanta ku eg

22

Afar sano ayaa ka soo wareegtey markii la doortey madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, waxaa uu mudo xileedkiisu dhamaaday, iyadoo aysan jirin heshiis laga gaarey hanaankii doorashada ee Soomaaliya.

Waxaana taasi ay ka yarabadalan tahay nidaamkii 20 kii sano ee u danbeeyey uu dalku ku socdey.

Sidoo kale waxaa ay mudo xileedkan dhamaadey uu ku soo aadayaa xili jahwareer siyaasadeed iyo isfaham la,aan ka dhex taagan tahay dhamaan saamileyda siyaasada.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada oo aan heshiis ka gaarin nidaamka doorashada.

Musharraxiinta xilka madaxweynaha ee mucaaradka ah ayaa sheegay in laga billaabo 8-da February oo maanta ah aanay madaxweyne u aqoonsaneyn Farmaajo, iyagoo ku baaqay in la sameeyo gole qaran oo kumeelgaar ah.

Beesha caalamka oo si dhaw ula socota xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin ismari waaga taagan iyo tallaabooyinka ay qaadayaan.Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa xalay kulan la qaatay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay isla meel dhigeen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kamid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in xaalad hubaanti la’aan ah uu galay dalka, isagoo arintaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa todobaadkii hore ku soo idlaaday natiijo la’aan, taasoo horseeday in aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada la filayay inay dhacdo.

Madaxweyne Farmaajo oo maalin ka hor khudbad ka jor jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa muujiyay rajadiisa ah in ugu danbeyntii heshiis buuxa laga gaaro khilaafka doorashada, inkastoo uu eedeyn ballaaran dusha uga tuuray maamulada Puntland iyo Jubbaland oo uu sheegay in ay mar walba xagal-daacinayeen kulmada lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka doorashada.

Laakiin xildhibaannada qaarkood ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu isagu lahaa mas’uuliyada fashilka shirkii Dhuusa-Mareeb kaddib markii uu ku adkeystay in ay dowladda maamuleyso doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolka Gedo.

Si kastaba lama oga saacadaha soo socda sida ay wax isku badali doonaan iyo Ra’iisal Wasaaraha khubadiisa maalinta berri ah uu ku codsan doono muddo kordhin iyo in kale.