Ciidamo ka tirsan NISA oo xoog ku galay xarunta TV-ga Somali Cable

9

Ciidamo ka tirsan hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa goor dhow gudaha u galay xarunta Telefishinka Somali Cable ee magaalada Muqdisho.

Xarunta Telefishinka oo ku talla meel aan ka fogeyn godka Jilicow oo ay gacanta ku heyso NISA ayaa waxaa gudaha u galay ciidamo lagu sheegay inay ahaayeen dharcad, kuwaas oo mudo kooban xorriyada ka qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha TV-ga.

Maamulka Telefishinka Somali Cable ayaa KNN u sheegay in ciidamo dharcad ah ay xoog ku soo galeen gudaha xarunta TV-ga, isla markaana ay kaxeysteen laba ka tirsan shaqaalaha, kuwaas oo la geeyey godka Jilicow.

Intaas kadib dadaalo uu bixiyey maamulka TV-ga ayaa lagu sii daayey labada wiil oo ka kala tirsanaa qeybaha farsamada iyo ilaalada TV-ga.

Sababta ay ciidamadu ku galeen xarunta Telefishinka, waxay ku sheegeen in qeybta sare ee dhismaha TV-ga laga duubay xarunta ay deganyihiin ee Godka Jilicow, maadaama ay aad isugu dhowyihiin lanada xarumood.

Sidoo kale maamulka TV-ga Somali Cable waxuu beeniyey eedeynta ah inay duubeen godka Jilicow, waana markii labaad oo sidaan oo kale ay ciidamada NISA u galeen xarunta TV-ga Somali Cable.