Golaha Shacabka oo dib u dhigay goorta uu hor-tegayo RW Rooble

43

Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqatay kadib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka hor jeediyo khudbad uu uga warbixinayo 100-kii maalmood oo ay xukuumaddiisu jirtay.

Hase yeeshee xildhibaanada ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra’iisul Wasaaraha warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor, inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo maanta shir guddoon ahaa ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah.

Balantii horay loo shaaciyey ayaa aheyd in 9-ka bishan oo ku beegan Talaalada Berri ah uu ra’iisul wasaaruhu hor tago golaha shacabka, taas oo hadda dib u dhacday mudo hal maalin ah, waxaana lagu balamay inuu Rooble Arbacada hor tago golaha.