Mareykanka oo qoraal kasoo saaray is-mari waaga doorashada Soomaaliya

18

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaranka Soomaaliya inay deg deg u xaliyaan is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada Soomaaliya, oo ay sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa Farmaajo ugu baaqday inuu heshiis la gaaro madaxda maamul goboleedyada, si ay taasi u ogolaato in si deg deg ah loo fuliyo doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha.

“Is-mari waaga siyaasadeed ee sanadkii tegay wuxuu dhaliyey horumar la’aan niyad jab leh oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, horumarinta amniga, sare u qaadidda horumarinta dhaqaalaha kadib markii lagu guuleystay wejiga koowaad ee deyn cafinta, iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto amni-darrada cunnada iyo musiibooyinka halis gelinaya Soomaali badan,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in si deg deg ah oo loo xaliyo is-mari waaga siyaasadeed ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya.

“Waa mas’uuliyadda iyo waajibaadka qaran ee hoggaamiyayaasha qaranka iyo kuwa gobollada inay dhinac iska dhigaan raadinta faa’iido siyaasadeed, ayna taa beddelkeeda ka shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, oo u qalma inay waxa ugu wanaagsan ka helaan hoggaamiyayaashooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Hadda waa waqtigii la xalin lahaa arrimaha taagan lana dhameyn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka.”

Baaqan ayaa imanaya iyadoo maanta ay ku egtahay mudo-xileedka Afarta sano ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Golaha Midowga Musharrixiintu ay sheegeen inaysan haatan wixii ka dambeeya madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli hadal kasoo saarin baaqa Mareykanka.

Toddobaadkii hore dabayaaqadiisa ayey ahayd markii magaalada Dhuusamareeb ay ku burbureen wada-hadalladii u dhexeeyey dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ee la doonayey in lagu xalliyo is-mari-waaga doorashada.