Seynab Jeneraal Galaal oo ciidamada dowladda ku eedeysay dilkii Aabaheed

18

Seynab Maxamed Nuur Galaaal oo uu dhalay Allaha u naxariistee Jeneral Galaal ayaa sheegtay in Aabaheed ay ku tuhmayaan gacanta ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ka sheekeysay markii xiriirkiisa ugu wardameysay iyo sida xaalku ahaa.

Seynab ayaa sheegtay in wiilal ka socday qaraabada Jeneraalka loo diiday inay gudaha u galaan Hotelka, si loo badbaadiyo Jeneraal Galaal, isla markaana hal saac oo habeenimo uu noolaa Aabaheed oo dilay labadii nin ee u dambeysay kooxdii soo weerartay Hotelka.

Seynab oo la hadashay KNN iyadoo ku nool dalka Canada ayaa dowlada ka dalbatay in dilka Aabeheed Jeneraal Galaal lagu sameeyo baaritaan dhab ah.

Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa horay KNN ugu sheegay in tuhun badan ay ka qabaan cidda dishay Jeneraal Galaal, isagoo sheegay in shaki badan uu ku geedaaman yahay qaabkii loo dilay marxuumka.