Axmed Madoobe oo war ka soo saaray fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb

16

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo saakay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa faahfaahin ka bixiyey shirka wadatashiga madaxda ee ku soo dhamaaday natiijo la’aanta.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay saameeyeen wax kasto oo tanaasul ah, balse uu ka hor yimid madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan isku deynay wax kasto tanaanul ah oo aan sameyn karo, waxaan soo jeedinay oo kal haddii ay sidan tahay bal arrinta doorashada in loo kaadiyo oo dib heshiisiin la galo gobolka Gedo oo dhan hala-galo, ciidamadana ha la’isku dhafo.” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Haddii ay Jubbaland magacaabeyso guddiga iyo odayaasha hasoo jeediyeen, haddii magacaabista Jubbaland ku lug leedahay ma’aqbalayo ayuu yiri madaxweynuhu. Marka ma kari karo marka anigu guddi inaan qatar geliyo laleeyahay guddoomiyihii ay la shaqeynayey haddaad magacowdo dhib ayaa ka imaanayo.”

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay inuu madaxweynuhu isku soo kooban hal degmo, isla markaana uu ka tegay mas’uuliyaddii loo igmaday ee Qaranka.