Banaanbaxyo maanta ka dhacay degmooyin ka titsan G/Gedo

19

Inta badan degmooyinka gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo xoog leh, kuwaas oo ay soo abaabuleen mas’uuliyiinta maamulka gobolkaas ee taabacsan dowladda federaalka.

Banaanbaxyada maanta Gedo ka dhacay ayaa looga soo hor jeedaa in gobolka Gedo maamulkiisa la hoos geeyo Jubbaland, iyadoo Axmed Madoobe uu shirkii Dhuusamareeb geeyey dalab ah in lagu wareejiyo maamulka gobolkaas.

Magaalooyinka ay maanta banaanbaxyadaasi ka dhaceen ayaa kala ah, Beled-Xaawo, Garbaharey, Buurdhuubo, Doolow, Luuq-Ganane, Baardheere iyo Bohol-Garas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo.

Dadka bananbaxa dhigayay oo u badan haween iyo dhalinyaro ayaa sheegay  in marnaba aysan ogolaan doonin in maamulka gobolka Gedo la hoos geeyo maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubbaland oo ay ku eedeeyeen in mudadii uu maamulayey uusan waxaba ku soo kordhin.

Dadka maanta banaanbaxa dhigayey ayaa madaxda dowladda federaalka ka  in Jubbaland aysan la gelin wax heshiis ah oo dhigaya Gedo la hoos geero Jubbaland.

Banaanbaxyadan ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay uu fashil ku soo dhamaaday shirkii Dhuusamareeb.

Qodobka ugu adag ee fashiliyey shirka ayaa noqday arrinta gobolka Gedo oo dowladda federaalka iyo Jubbaland ay isku heystaan cidda maamuleysa doorashada xildhibaanada baarlamaanka federaalka ka soo gelaya gobolkaas.