Beesha caalamka oo wado dadaalo lagu baajiyo kulanka baarlamaanka Soomaaliya

8

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in xubnaha Beesha caalamka ay wadaan qorsho ku aadan sidii beri loo baajin lahaa kulanka Baarlamaanka oo la iclaamiyay inuu maalinta beri ah oo Sabtiga ah uu hortago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen inuusan ka soo tagin magaalada Dhuusamareeb ilaa heshiis rasmi ah laga gaaro shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wakiilada Beesha Caalamka ay xiriiro toos ah la sameeynayaan dhinacyada ku shirsan magaalada, islamarkaana ku kala aragti duwan qaar ka mid qodobada laga doodayo shirka, si uusan u fashilmay shirkaasi.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah arinta gobolka Gedo, maadaama weli aan heshiish rasmi ah laga gaarin qodobkaasi.